Shir ay isugu yimaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labada Madaxwayne ee Koonfur Galbeed iyo Jubba Land

Shir ka dhacay Xaruunta Guddoonka Golaha Shacabka ee Villa Hargaysa; 6dii Febraayo, 2015 ayaa waxaa ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Adan, Hogaamiyaha Maamulka Kumeel Gaarka (KMG) ah ee Jubba Land Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo sidoo kale Xildhibaanno ka soo jeeda degeennada ay ka arramiyaan labada Maamul.

Shirkaan oo u jeedadiisu ahayd kala warqaadasho iyo ka warbixin halka ay wax marayaan ayaa waxaa ugu horayn warbixin dhiibay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Land isagoo xaqiijiyay in Maamulkiisu uu san ku dhisnayn xaq iyo Cadaalad sidaas darteedna loo baahnyahay in wixii hadda ka dambeeya lagu shaqeeyo sidii cadaaladda iyo xaqa loo simi lahaa oo cid walba oo ka soo jeedda Degaannadaas ay xaqqooda uga heli lahaayeen Maamulka uu hogaamiyo.

Warbixintiisa ka dib ayaa waxaa fekrado ka dhiibtay kulanka Xildhibaanada Qaranka ee ka soo jeeda degaannadaas iyagoo sheegay in Maamulkaas gabi ahaanba uusan xalaal ahayn sidaas darteedna looga fadhiyo hoggaanka Maamulkaas in uu cadaaladda simo, qabaa’illadana si siman loogu qaybiyo koraasta Siyaasadda ee degaannadooda.

Doodda oo aad u kululayd ayaa waxaa ugu dambayntii la isku raacay in la sameeyo guddi ka arrimaya arrimahaan oo u kuur-gala in dadka meesha degan ay heleen xaqooda iyo inkale. Guddigaan ayaa waxaa looga fadhiyaa in ay si wada jira ah u soo dhisaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Adan.

Ugu dambayntii Xildhibaannada Qaranka ee ka soo jeedada degeennadaas waxay codsadeen in la hakiyo xulista Xildhibaannada ee hadda ka socta degaannada Maamulka Jubba Land si la isugu raaco loona xaqiijiyo habka abood qaybsiga ah ee Beelaha ku abtirsada Degaannadaas.



Qorre: Abdulkadir Suleiman




"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA