Posts

Showing posts from August, 2014

Habkii uu u dhacay heshiiska 3da Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaliya

Image
Muran soo socday tan iyo markii la unkay 27-kii August 2013 Maamulka Ku-meel Gaarka ah ee Jubboyinka ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa waxaa uu soo afjarmay 23-kii June 2014. Murankaan oo ku salaysnaa tirada Gobol ee la israacinayo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo afjarmay in 3 Gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabelah Hoose loo sameeyo Mamul Goboleed halka aragtidii kale ee ahyad in 6   Gobol oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose loo sameeyo Maamul Goboleed la laalay lagana hor yimid in la hergeliyo. Sidee ay ku suura gashay 3da Gobol Barnaamijkii Axmed Madoobe si xaq-darro ah ayuu ku hergelay. Wuxuu garab Military, Dhaqaale iyo Dimplomaasiyadeed ka helay Wadamada Kenya iyo Ethiopia, iyo sidoo kale Urur Goboleedka IGAD. Shaksiyaadka hogaaminaayay barnaamijkaan waxaa ugu horeeyay Mohamed Abdi Afay oo ah Wakiilka IGAD ee Soomaaliya. Kooxdii rabtay in 6da Gobol Maamul u samayso culays Siyaasadeed oo xoo