Heshiis Awood Qaybsi ah oo lagu dhaameystirayo mamulka ku meel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya


JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Heshiis Awood Qaybsi ah oo lagu dhaameystirayo mamulka ku meel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya


Taariikh: 15 December, 2014

Goobta: Madaxtooyada Maamul Goboleedka 6da, Baydhabo

Ayadoo laga ambaqaadayo heshiiskii lagu soo gaaarey Magaalada Muqdishu ee Ku taariikheysnaa 29kii November, 2014, heshiis kaas oo ku saabsanaa xal u helida arrimaha koonfur-galbeed Soomaaliya oo ayna gar wadeen ka yihiin Xildhibaanada qaranka, kaas oo u dhexeeyey Xildhibaanada Qaranka iyo Madaxweyne Shariif Xassan Sheikh Adan.

Wadatashiyo iyo wadaxaajood u dhexeeyey dhamaan dhinacyada arrinta quseyso oo ay ku jireen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib, Xildhimaanadii Qaranka u xilsaarnaa dib u heshiisiinta iyo dhameystirka maamulka KGS, waxay yimaadeen Magaalada Baydhabo, December 11, 2014.
Wada xaajood siyaasadeed oo socdey muddo Saddx Cisho ah oo u dhexeeyey Xildhibaanada Qaranka iyo Odayaasha Dhaqanka Koonfur Gaalbeed 6, ayaa waxa dhinacyada siyaasadeed ee KGS ay isku afgarteen heshiis awood qaybsi ah oo lagu dhisayo maamulka kumeel-gaarka ah ee KGS.

Qodobada lagu heshiyay:
1.     In la sameeyo dib u heshiisiin loo dhan yahay;
2.     Awood Qaysi
a)   Madaxweyne ku xigeenka 1aad waxuu ka imaanaya garabka KG-6;
b)  Gudoomiyaha Barlamaanku wuxuu ka imaanayaa  garabka KG-6, halka ku xigeennadiisu ku imaanayaan hab doorasho ah sida dastuurku tilmaamayo;
c)   Dhismaha Xukuumadda waa awood qaybsi ku dhisan 50% sida Golaha  Wasiirada, Wasiir Kuxigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha;
d)    Guddiyada Madaxabannaan, Agaasimayaasha guud iyo Wakiilada Dibadaha waa inay yihiin dad ka soo jeeda Koonfur galbeed Soomaaliya ayna aqoon iyo waayo araagnimo ku filan u leeyihiin xilalka ay qabanayaan;
e)   Garsoorka waa in si cadaalad ah loo qaybiyo;
f)  Awood qeybsiga wuxuu soconaayaa mudada kumeelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka KGS;
3.   Dastuurka Dowlad Goboleedka KGS waxaa dib u eegaya guddi Khuubarro takhasus u leh arrimaha Shuruucda, waxaana ansixinaya Golaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka KGS;
4.   Golaha Odayaasha Dhaqanka ee KGS waxay yeelanayaan Xasaanad iyo Xuquuq la mid ah Golayaasha kale ee dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka KGS. Qaabdhismeedka Odayaasha dhaqanka waxaa lagu cadeynayaa Dastuurka Dowlad Goboleedka KGS;
5.  Golaha Baaarlamaanka Dowlad Goboleedka KGS waxaa soo xulaya Odayaasha Dhaqanka ayagoo la tashanaayo Xildhibaanada Qaranka ee Beesha;
6.  Muddada Maamul Goboleedku waa 4 sano waxaana lagu qeexayaa Dastuurka Maamul Goboleedka KGS;
7.   Wadahadalka Maamul Goboleedka KGS iyo Maamulka Ku Meelgaarka ah ee Jubba wuxuu bilaamayaa 15 January, 2015, ayadoo Gogoshu fidineyso Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, waxaana ka qaybgalaya Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Xildhibaanada Qaranka, Ururada Bulshada. Gogoshaan waa in ay goob jogayaal ka ahaadaan Beesha Caalamka wakiiladooda;
8.   Baarlamaanka waa in lagu soo xulaa muddo (45) Afartan iyo Shan cisho ah gudahood, laga bilaabo Maalinta heshiiska la saxiixo;
9.  Waa in la bixiyaa Kharashkii ku baxay dhismahii Maamul Goboleedkii Lixda Gobol  iyo sidoo kale in Magdhow loo qoondeeyo wixii khasaaro ah dhacay;
10. Dhameystirka iyo meel marinta heshiiskan waxaa xaqiijinaya Madaxawaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Barlaamanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Qore: Abdulkadir Sulieman Mohamed


                                                                                                                  
                                                                     


"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA