Habkii uu u dhacay heshiiska 3da Gobol ee Koonfur Galbeed Soomaliya




Muran soo socday tan iyo markii la unkay 27-kii August 2013 Maamulka Ku-meel Gaarka ah ee Jubboyinka ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa waxaa uu soo afjarmay 23-kii June 2014. Murankaan oo ku salaysnaa tirada Gobol ee la israacinayo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo afjarmay in 3 Gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabelah Hoose loo sameeyo Mamul Goboleed halka aragtidii kale ee ahyad in 6  Gobol oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose loo sameeyo Maamul Goboleed la laalay lagana hor yimid in la hergeliyo.

Sidee ay ku suura gashay 3da Gobol
Barnaamijkii Axmed Madoobe si xaq-darro ah ayuu ku hergelay. Wuxuu garab Military, Dhaqaale iyo Dimplomaasiyadeed ka helay Wadamada Kenya iyo Ethiopia, iyo sidoo kale Urur Goboleedka IGAD. Shaksiyaadka hogaaminaayay barnaamijkaan waxaa ugu horeeyay Mohamed Abdi Afay oo ah Wakiilka IGAD ee Soomaaliya.

Kooxdii rabtay in 6da Gobol Maamul u samayso culays Siyaasadeed oo xoog leh ayay kula kulmeen kooxda aan kor ku soo xusay. Kenya, Ethiopia iyo IGAD waxay sidoo kale cadaadis ku saareen Dawladda uu hogaamiyo Madaxwayne Xassan Shekh Maxamuud in aan la dhaqan gelin himmilada 6-da Gobol ah. Sidaas ayuuna ku hergeli waayay.
Intaas waxaa usii dheer, Bilowgiiba waxaa jiray Xildhibaanno Digil Mirifle (DM) ah oo hogaaminaayay Sharif Xasan Sheikh Adan oo ka hor yimid aragtida ah in Gobolladaas Maamul 6 ka kooban loo sameeyo iyagoo ku saleeyay aragtidooda in 3-da hartay marka hore nidaam loo helo ka dibna 3-da maqan ee hadda hogaamiyo Axmed Madoobe loo duubto sidii loo soo haro-galin lahaa.
Arrimahaan oo isbiirsaday ayaa sabab u noqday in uu hergeli waayo aragtida 6-da Gobol.
22 Bishii Juun Sacaddu markii ay ahayd abaarihii 11:00am subaxnimo waqtiga Moqdishu ayaa waxaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cisman Jawari  u yimid Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya iyo Raisul Wasarihiisa Cabdi Wali Sheikh Axmed oo si wada jir ah uga codsaday Guddoomiyuhu in uu raaco Xaflad ka dhici doonta Villa Soomaaliya, gaar ahaan Guriga Martida oo lagu heshiisiin doono labadii koox ee kala aragtida ahaa ee Maamul-u-samaynta Gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha iyo qaar ka mid ah Xildhibaannadii aaminsanaa in Maamul 6 ka kooban la sameeyo si isku mid ah ayay uga soo horjeesteen arrinkaaas iyagoo ku dooday in aanu waxba kala socon heshiiska la sheegay iyo waliba cidda soo qabanqaabisay. Dood iyo muran ka dib waa la is-mari waayay. Madaxwaynihii iyo Raisul Wasaarihiina dib ayay u laabteen iyaga oo aan u suura galin in Guddoomiye Jawaari u kaxeeyaan Goobta la rabay in Xafladda ka dhacdo. Xafladiina waa ay baaqatay maalinkaas.
Si kastoo oo arrinku u dhacaba, Mudane   Jawaari waxuu habeenkii xilli dhaxe u yeeray Xildhibaannadii DM isagoo ku wargeliyay in arragtidii 6-da ahayd suuroobi waysay sidaas darteedna Maamul loo dhiso 3-da soo hartay ee kala ah Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.
23kii Maalintii xigtay ayaa heshiiskii lagu saxiixay Xaruunta Villa Soomaaliya iyagoo Odayaashii, Xildhibaannadii iyo Siyaasiyiinta DM intooda badan isla garwaaqsadeen in marka hore la unko Maamulka 3da ah.
Heshiiskii waxaa saxiixay Cabdifatax Ibraahim Geesay oo matalaayay arragtida 6-da iyo Madeer oo 3da matalaayay; waxaan goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxawaynaha Jamhuuriyadda, Raisul Wasaaraha, IGAD, EU, AU iyo UN.

Mucaaraddo 
Islamarkii la maqlay wararka ku saabsan in labadii koox ee isaga soo horjeeday Maamul u samaynta Koonfur Galbeed Soomaliya ay heshiiyeen ayaa waxaa si daran uga horyimid Beelaha Hawiye iyagoo Xildhibaannadooda iyo Wasiiradooda ay sheegeen in aanay Xafiisyadooda Dawladda u shaqo tagi doonin tan iyo inta laga noqonaayo heshiiskaas. Arrintaan oo fajiciso ku noqotay dad badan ayaa waxaa la iswaydiyay halka uu Hawiyuhu ka dego Gobollada uu sheegto in uu dego.

Dooda Hawiye ayay ahayd in aan laga qayb gelin heshiiskaas oo aan lagala tashan maadama ay wax ka degaan Gobollada Maamulka loo samaynayo halka arragtida kalena ay qabtay in Hawiye aanu meeshaba degin gabi ahaanba. Waxay sheegeen in beelo yar yar sida Wacdaan, Wadalaan iyo Hinitiri kaliye ay degaan Gobolka Shabeellaha Hoose halka Hawiyaha intiisa kale aanuba degin Gobolka haba yaraatee.

Waxaa intaas sii dheer, Waziirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo xiriir la sameeyay idaacadaha ku hadla Af-Soomaaliga ayaa sheegay in heshiiskaas uu gabi ahaan lagala tashan Wasaaradiisa sidaas darteena uu san waafaqsanayn Dastuurka Ku-Meelka Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Arragtida Wasiirka waxaa loo turjuntay in ay waafaqsantahay midda Hawiye maadama uu ka soo jeedo Beesha Hawiye.
Wali fekradaha ku aadan arintaan maamul-u-samaynta Gobolladaas waa ay socotaa hal kama dambays ahna lagama gaarin.!!
 

 Heshiiska halkaan ka aqriso:


By A. Suleiman







"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA