Maxay noqon kartaa kabixitaanka Shabaab ay ka baxeen Magaalada Mogadisho.


Dad badan ayaa ay fajiciso iyo amakaag ku noqotay ka dib saaka markii ay ku waabariistaan iyadoo Shabaabkii ay faarujiyeen Gobihii ay ka joogeen Magaalada Mogadisho. Inkastoo aan la ogayn sababta rasmiga ah ee keentay in Shabaab ka baxaan Magaalada Xamar ayaa hadana waxaa la saadalinayaa in ay jiraan dhowr arimood oo u saamixi waayay hogaanka Shabaab in ay sii joogaan Magaalada.
Muddo labo sano iyo bar ayaa laga jogaa xiligii Magaalada Mogadisho ay inteeda badan gacanta ku wada dhigeen, waxaanse la ogayn in faarujintaan ay tahay kama dambays ama taatiko Military sid uu sheegayba Afhayeenka Shabaabka ee Cali dheere. Balse dad badan waxaa ay isla dhax marayaan in hogaanka Shabaabka aan sidi hore ahayn iyadoo soo wajahday culays dhinacayo badan uga imaanaaya.

Mida kowaad waxaa xaqiiqo ah in taageeridii dhinca Moral-ka ay ka heli jireen Urur waynaha ALqacida ay meesha ka baxday ka dib Dilkii Osama ee May 2-deeda lugu dilay Magaalo Abottobad ee Dalkaas Pakistan. Arintan ayaa ku riday Shabaab niyad jab xun iyo dhalin yartoodi oo moralkooda sii yaraaday isla markii ay maqleenba dilkaas.

Waxaa taa ku xigtay Dilkii Fazul Cabdalla ee Magaalada Mogadisho loogu gaystay, isagoo lagu tilmaamay in uu ahaa hoogaanka Alqacida ee Geeska Africa. Inkastoo Shabaabko aysan si waafi ah uga hadlin hadana waxaa la rumaysan yahay in uu ahaa madaxa ruuxiga ah ee howlgalada Geeska Afrika.

Mida saddaxaad waxaa ay noqon kartaa iyadoo ay soo wajahaday dhaqaalo xumo. Inta badan waxaa la hadal haayay in ay dhaqaalo ka heli jireen Carabta balse carabtii iyagii baa la soo galay oo tooda ayayba la tacaalayaan baryahan sidaas darteed waxay tamar u waayeen in ay dhaqaale u diraan Soomaaliya. Waxaa soo baxday dhalin yaro badan oo Carbeed, gaar ahaan Magaalooyinka Masar, Tunisa, Syria iyo kuwo kale oo u baahan in loo abuuro mashaariic Shaqo abuuris ah; sidaas darteed waxaa suura gal ah in lacagtii Carabta bixin jirtay loo weecay dhankaas.
Mida Afaraad waxaa baryahaaanba muran ka taagnaa sidii loo ogolaan lahaa Hay’daha gargaarka sidii ay u gaarsin lahaayeen xitaa meelaha Shabaabku ka taliyaan. Mar waa ay ogolaatay ka dibna waa ay diiday Shabaab in ay si guud u fasaxaan Hay’adahaasi, sidaas darteed waxaa suura gal ah in ay la xumaatay in iyagoo meesha ka taliya ay hay’adihiina loo ogolaado taasina ay ku noqoto “wax is diidan” gaar ahaan mowqifka ay ka aaminsan yihiin Hay’adaha gargaarka marka la fiiriyo. Taasina ay dhalisay in ay isaga huleelaan Magaalada gabi ahaanba.

Sidoo kale warar aan si fiican loo xaqiijin ayaa sheegaya in Hogaanka sare ee Shabaabku uu mugdi soo kala dhax galay iyago isku heesta wax yaalo asaasi ah ku aadan maamulka. Ragga sarsare oo ka mid ah kuwa hore u soo ijtihaaday ayaa diidan nidaamka maamuleed ee Godane ku wado  Xarkada, waxay soo jeediyeen in is bedel maamuleed oo gun dheer  la sameeyo balse wuu ka dhagi adeegay sida wararka ay sheegayaan.

Mida ugu dambaysa waxaa dhici karta in Hassan Daahir iyo kooxdiisa ay la soo baxeen mabaadi’ cusub ka dib marki ay meesha fahmeen iyagoo ku biiray markii lagaga adkaaday qidada Moqdisho. Hisbul Islam oo Hasan Dahir madax ka ahaa ayaa laftirkeeda loo malaynayaa in shabaabku dhaxdooda ku bilaabeen isku horkeen iyo fekerado cusub. Waxaana hubaal ah in markii horeba Hubkii Hisbul Islam loo dhiibay rag cayiman oo sida muuqata lagu kalsoonaan karay taas ayaana muujinaysa in Xisbiga uu howshiisa uu mar horeba bilaabay.

Si kastoo ay tahayba waxaa la dhowrayaa maalmaha soo socda waxa ku soo kordhi doona is badelka cusub ee Mogadishu maanta ku waabariisatay.


"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA