FARMAAJO OO WALAAC SIYAASADEED LA SOO DARISTAY!



Ra’isul wasaaraha DFK mudane Cabdullahi Farmaajo ayaa si toos ah ugu soo biiray khilaafka labada mas’uul ee Shariif Xasan Sheekh Adan iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Farmaajo oo markiisi hore uu khilaafka uga jiray si waafaqsan shurucda dowladaha ayaa hadda si shakhsiyan ah ugu lugta yeeshay iyadoo arintaan si toos ah looga dheexan karo hadalkii maanta uu saxaafadda ugu sheegay Magaalada Mogadisho.

Ra’isul wasaare Farmaajo ayaa markiisii hore ku dadaali jiray in uusan ka weecan nidaamka diplomaasiyadeed ee lagu maamulo dowladaha marka ay is qabtaan qaybaha kala duwan ee dowladda sida Fulinta, Sharci dajinta iyo Garsoorka. Ka dib markii labada Gole ee Fulinta iyo Sharci dajinta ay isku qabteen arimo ku qotoma xeer hoosaadka Barlamaanka ayaa farmaajo in muddo ah wuxuu waday olole ah in loo xaliyo is afgaran-waaga si waafaqsan sharciyada guud ee dowladuhu ku dhaqmaan taas oo uu u arkaayay in ay munaasab tahay lana baro Somalida, maadama ay xukumadiisu ku faanto in ay xukumadihi hore ay uga duwantahay  hab dhaqanka Siyaasadeed iyo midda diplomaasiyeedba. Xukumadiisa sidoo kale waxay ku faantaa in Wasiiradiisu ay yihiin kuwo yaqaaana lahajada lugula hadlo bulshada caalamka guud ahaan iyo midda Mas’uulinta kale ee kula jira dowllada.

Balse waxaa mar qura maanta laga maqlay Farmaajo in uu si toos ah oo shakhsiyan ah u dhaleeceyo Mas’uul mug wayn ku leh Dowllada uu Ra’isul wasaaraha ka yahay taasina waxay si waji gabax ah u dhawacaysa nidaamkii uu ku faani jiray oo ay ahayd in xukumadiisu ay tahay wax uu  ugu yeero “Midii ugu tayada badnayd.”

Waxaa in badan la is waydinaya sababta rasmiga ah ka dambaysa hadalka uu u sheegay saxaafadda maanta kaas oo ah in Godoomiyaha Baarlamanka uu ku tumanaayo Jagadiisa isla markaasna gorgorton ku galaayo isagoo soo jeediyay in xukumadda isku shaandhayn lagu sameeyo, wasiiro Godoomiyaha Baarlamanka taabacsana lagu soo kordhiyo amaba lagu bedelo kuwa hadda jira. Balse dad badan oo u kuu gala arimaha siyaasada ayaa shaki qaba hadalka Ra’isul wasaaraha ka soo baxay iyagoo tibaaxay in Godoomiye Shariif Xasan uu dadaal ugu jiro sidii uu Madaxawayne uga noqon lahaa dalka sidaas darteedna aan caqli gal ahayn in uu ku soo laabto siyaasado uu horay usoo isticmaali jiray. Inkastoo aan la xaqiijin Karin u jeedada rasmiga ah hadana waxaa la saadalayn karaa in Farmaajo uu ugu dan leeyahay dhowr arimood oo saamayn ku yeelan kara mustaqbilkiisa siyaasadeed:

Mida kowada waxaa suuragal ah in labada Mas’uul ee Kambala ku shirsan ay isla garteen ajande siyaasadeed kuna balameen in la shaaciyo ajandahasi taariikh mucayin ah walaw warbahintu aysan muujin wax yididiilo ah oo ka muuqada kulamadooda. Midaan ayaa laga yabaa in Raisul wasaaruhu walac ku abuurtay sidaas darteena uu dan mooday in xirfadiisa gaar ahaaneed ee Siyaasadda uu la soo baxo si aan looga saarin saaxada siyaasadda oo wali uusan ku qaan gaarin, galangal cadna uu soo muujiyo.

Mida labadaad waxaa ay iyana ku qotomaysaa angalka kale ee isaga iyo Madaxwaynaha ay xulafada ku yihiin taas oo ah in Shariif Xasan Sheekh Adan; Godoomyaha Baarlamanka ay xoogaysatay dhinciisa lagana yabee in Madaxwaynaha laftirkiisa lugu qasbay in uu sameeyo tanaasul siyaasadeed. Cadaadiskan ayaa laga yabaa in uu uga yimid wadamada gobolka gaar ahan kuwa ciidanka ka joga Mogadishu ee Uganda iyo Burindi. Waxaa suuragal ah in isbedel ku yimid Madaxwaynaha Uganda kaasoo xusul duub uga jiray in Xukuumada Sanad loo kordhiyo; isbedelka fekriyan ee Madaxwayne Musavani waxuu ka imaan karaa dhinaca Augost Mahiga oo aad taabacsan in doorasho la qabto ayna isku feker ka yihiin arintaas isaga iyo Godoomiyaha Baarlamanka. Augost Mahiga waxuu isticmaali karaa sidoo kale aboodisa dhinaca dhaqaale ee UN-ka uu qandaraas joogto ah ku bixiyo cidamada Ugaandheeska iyo kuwa Burindi iyo waliba samayn siyaasadeed oo kale. Arintaan ayaa laga yabaa in cabsi badan ku keentay Farmaajo iyo Madaxwayne Shariif sidaas darteedna ay go’aan ku gaareen in la shaaciyo propogande islamarkasna lagala hormaro warbaahinta inta aan ka soo bixin war murtiyadeed rasmi ah Shirka labada masu’uul ee uga socda Kambala si loo wiiqo rajada siyaasadeed ee Godoomiyaha Barlamanka islamarkaasna la bahdilo sumcadiisa.

Si kasto ay tahayba waxaa hubaal ah in Ra’isul wasaare farmaajo uu hadda si toos ah u soo galay khilaafka taas oo ka baxsan nidaamki iyo aragtidi uu ku doodi jiray ee ay ahayd in xukumadiisa ay gabi ahaanba ka duwan tahay kuwii isaga ka horeeyay, isagoo waliba sheegta in uu yaqaano habka dhaqan diplomaasiyadeed ee ku salaysan wada xaajood, gorgortan siyaasadeed iyo ilaalinta danta guud ee Shacabka iyo tan Dalka.

Abdulkadir Basha



"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA