Isbedellada Siyaasadeed DM ee wayahan




Damac siyaasadeed ee qowmiyadda DM ayaa wayahan la soo baxay waji cusub iyo dardar aan laloodin karin. Damacaan oo markiisi horaba jiray balse gaabsi ahaa ayaad waxaad modaa in baryahaan dambe uu la soo baxay fallaaro hor leh aan hore u jirin taaso oo la dhihi karo waxay u horseedi kartaa ummada Soomaaliyeed ee degta labada wabi dhaxdooda labo waxyeelood oo samayn ah.
Mida kowaad waxaa ay noqon kartaa samayn wanaagsan oo waxaa suragal ah in Bulshadaasi ay indhahooda kala furan oo ay wajahaan sidii Bulshada kale ee Soomaliyeed uga riixi lahayeen maqaamadii lugu yaqiinay oo ahayd in ay waligood isku bedbedlaan labada jago ee dalka ugu saraysa – Madaxwaynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Sida taariikhda Somaliyeed lagu arki jiray wali ma dhicin shaqsi ka dhashay Bulshada labada wabi oo dalka madax ka noqoday amaba ka gaaray xitaa General sare oo xagga ciidanka ah, waxaa waliba intaasi sii dheeraa in xukunkii Military aanay jirin xitaa shaqsi ka dhashay qowmiyadaasi oo ka mid ahaa Golihii sare ee kacaanka dalka maamuli jiray muddo labaatan sanoa ah. Laga soo bilaabo 2000 ilaa iyo maanta waxay Bulshadaan kaalin buuxda ka galeen marxalda siyaasadeed ee dalka iyagoo hal kursi  lagu shaabadeeyay magacooda kaasi oo marwalba magaciisa lasoo qaado si isku mar ah loo xasuusto magaca qowmiyadda; kurisigaasna waa kan Godomiyaha Barlamanka.
Tusaalooyinka isbedellada ku dhacay Bulshadaan ayaa waxaa ka mid ah in baryahaan siyaasadda dalka ay ku wareegto kaliya hal shaqsi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda qowmiyaddan. Firfircoonidaan uu la soo baxay Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa dhiiri galin balaaran ku abuurtay shaqsiyaadka iyo Siyaasiyiinta kale ee Bulsha Raxanwayn oo ku jira Xukuumadda dalka. Siyaasin badan iyo shaqsiyaad cusub ayaa u hanqal taagaya in iyaguna cayaaraan kalin la mid ah mida uu cayaarayo Shariif Xasan Sheekh Adan waase marka uu Shariif Xasan booska baneeyo si kastaba ha ku baneeyee. Arintaan waxaa laga dheehan karaa Maamul Goboleedyada baryahaan lugu dhawaaqayo oo dhamaantod sheeganaya in ay Mas’uul ka yihiin hal Gobol oo ah dhulka Bulshada Soomaaliyeed ee Raxanwayn. Siyaasi kasta ujeedadiisa ugu dambaysa wax kale ma ahee waa sidii uu boos ugu heli lahaa xukuumdaha dalka la soo dhisi doono Mustaqbalka dhow oo sidaasna marxalad siyaasadeed uu ugu gaari lahaa.
Tusaalaha labaad ayaa noqon kara in siyaasiyiin Bulshadan ka dhashay ay muddo ku siman labo sano ay ka ariminayeen jagada Nabad Sugidda Dalka ka hor inta aan is khaalfin labada Shariif. Jagadaan ayaa sidoo kale dhicin waligeed in qof bulshadaas ka mid ah oo wali ku fariisto waana markii ugu horaysay ay dhacdo arintaan. Website-ka Baidoa news ayaa qoray 30-ka bisha April 2011, qaybtiisa Goosgooska wararka oo ku sheegay in inta badan Xildhibaannada Dowlada kuwoda Raxanwayn aan wayahaan dambe lugu arkin tafaraaruqii lugu yaqiinay taaso iyana keeni karta isbedel cusub oo wali aan la arakin farxadna gelin karta dhamaan bulshada degaankaas.
Sida aan hordhacayga ku soo qaatay labada arimood ayaa mida labaad waxay noqon kartaa mid horseeda dhinaca xumaanta oo waxaa suuragal ah in isbedelladaan ee dhinaca maskaxeed ee Bulshadaan uu keeni karo in  iyada gudaheeda isku laabato oo ay isu faquuqdo jufoyin hoose. Faquuqaan ayaa u badnaan doono tartan dhinaca Abooda Siyaasadeed ee Bulshada dhaxdeeda ah, jufo kasta waxaa laga yabaa in ay la soo baxdo dardar hor leh iyadoo tiigsanaysa taariikh hore ee ay ku dhax  lahayd qowmiyada dhexdeeda ayna ku doodo aniga ayaa sidaan ahaan jiray ee intiina kale waxaa idinla gudboon in aad iga dambaysaan; midaan ayaa keeni karta hardan hor leh oo dhex mara qowmiyadda DM. Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa iyana isla Maamul Goboleedka la isku haysto magiciisa oo jufana tiigsanayso in ay iyada tahay tii waligeedba arimaha DM loogu dambayn jiray halka kuwa kalena ay leeyihiin maya arintaas waa ay dhamaatay ee feker cusub baa jira kaamana aqbalayno fekerka qadiimiga ah.
Si kastaba ha ahaatee arintaan oo kale ma ahan wax keeni kara bur-bur badan, waxaa la gudboon Siyaasiyiinta cusub ee DM in ay hormariyaan dhaqan ku salaysan wada xaajood iyo wada tashi oo dhaxdooda ah, barnaamij walbana lagu xaliyo miiska korkiisa – waayo raggii hore wadadii ay mareen in laga weecdo ayaa muhiim ah oo lala yimaado Siyaasad furfuran oo kusalaysan kalsooni abuuris. Fursadii Siyaasintii hore ay hesteen mid ka wanaagsan bay heestaan siyaasinta cusub ee maanta sababto oo ah waxaa intooda badan ku dhex nooliyihiin Bulsho hormartay oo Siyaasad balaaran oo wajiyo badan leh, bulshada ay ku dhexnoolyihiin casharada laga barto in lugu dabaqo tan iyaga doonayaan ayay ku gaari karaan hamiga siyaasadeed oo ay wataan.

Abdulkadir Basha


"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA