AQOONYAHANNAD KOONFUR GALBEED SOMALIYA OO RADIYAY MAAMULKA PROF. GAANDI



 Waxaa markale nasiib darro ah in maantay  ay dhacdo qof Proff. Sheeganaayo in uu qaato magac horay u jiray oo dad gaar ah ay lahayeen. Magacaan  “AZANIA” waxaa baaritaan ku sameeyay soona jeediyay Prof.Mohamed Haji Mukhtar isagaoo waliba ku shaaciyay dhamaan warbaahinta Soomaliyeed islamarkaasna ku soo bandhigay khudbadooyin dhowr ah.  Qof alaale qofkii danaynaya arinkaan wuxuu ka daalac karaa linkagaan: http://www.baidoanews.com/view.php?id=5968.
Aqoonyahannada DM ee kunool dunida dacladeeda gaar ahaan kuwooda Pakistan waxay si xoog leh u dhalacaynayaan talaabadii laab lakac ahayd ee uu ku dhaqaaqay Prof. Gaandi  31-kii Marso 2011 taasoo ahayd in uu sheegto meel uusan raad iyo taariikh midna  kulahayn. Sida taariikhda ku cad Gobolladaan wixii ka horeeyay 1974 ma jirin qof ka mid ah qofka hadda samaysanaya maamul dhalanteed ah, waxaana xaqiiq ah in Bulshadaas ay ku yimaadeen Gobolladan olalihii dib-udajinta ee Dowladii Siyaad Barre mana ahayn olole loo dhan yahay oo Bulshada degaankaasna afti looga qaaday. Waxa si xoog leh u meel mariyay Maamulkii keligii taliska ahaa.
Kullankaan oo ay isugu yimaadaan aqoonyahaniinta Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay xaaladda deegannadaas waxayna cambarayn kulul u jeediyeen Prof Gandi iyo Maamulkiisa. Waxay soo jeediyeen isla markaasna uga digayaan dadka arintan ku dhaqaaqay in aysan u horseedin deegannadaas cadaawad hor leh, wixii arintaan ka yimaadana waxaa mas’uuliyadeeda dusha u ridanaya ninka Profka. sheeganaya.
Kullankaan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Dowlad Goboladeedka Koonfur Galbeed Soomaaaliya Mudane Jabriil Maxamuud Adan  Awfade. Wasiirku wuxuu farrin culusu u diray Maamulka Gaandi wuxuuna kula taliyay in ay riyada joojiyaan kana laabtaan go’aankooda.
Uga dambayntii waxaa shirka lagu soo jeediyay dhowr qodob oo sida hoos ku qoran ah:
·         In maamulkas uu san matalin Bulsha waynta Soomaaliyeed ee deegannadaas.
·         In Prof.ka diyaar u ahaado wax alaale wixii cawaaqib xumo ah oo ka yimaada ficilkiisa.
·         In uu raala galin buuxda ka bixiyo hadalkii uu ku siyay deegannadaas Beeshiisa isagoo si bareer ah khubdadiisa ugu soo qaatay in degannadaas ay degaan hal qolo.

Waxaa isku soo duba riday soona diyaariay:
Abdulkadir Sulieman iyo Isack Abdir yarow “Shameer”

"Didiinglay dhamaateih"

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA