Ururka Waddaniga Soomaaliyeed oo xaflad qalin jabin oo ballaaran u qabtay ardayda Somaaliyeed ee Pakistan.

Ururka waddaniga Soomaaliyeed ayaa  magaalada Karachi ee dalka Pakistan xalay (13.03.2010) ku qabtay xaflad qalin jabin ah oo ay kasoo qayb galeen Soomaali kabadan 250  oo isugu jirtay martisharaf heer caalami ah , arday iyo waaliddiin Soomaaliyeed   Ardayda Qalinbanaysay ayaa tiradoodu gaaraysay 35 arday oo waxbrashadooda ka dhammeeyay jaamacadaha kala duwan ee dalka , oo u badnaa jaamacadaha gobolka Sindh.


 Guddoomiyaha ururka waddaniga Soomaaliyeed Kamaal Xaaji Guuleed oo halkaasi hadalkii furitaanka ahaa ka jeediyay ayaa si aad ah ugu dheeraaday sababta loo aasaasay ururka waddaniga Soomaaliyeed. Wuxuu sheegay in tallaabadan shahaado guddoonsiinta iyo isku keenidda Soomaalida intaasi le’eg inay tahay tallaabo ururkiisu dhinaca wanaagsan u qaaday, wuxuu kaloo xusay in ururkiisu damacsan yahay tallaabooyin intaasi kasii ballaaran.
 Kamaal wuxuu intaasi ku daray in Ururka waddaniga uu ufuran yahay umadda Soomaaliyeed, wax u qabashada dalka iyo dadkana ay sugayso qof walba oo Soomaali ah.


 Marti sharafta xafladdan lagu marti qaaday waxaa kamid ahaa madaxa ugu sareeya hay’adda WHO ee Pakistan Dr. Khaliif Bile oo inta badan gacan caawinaad ah u fidiya ardayda qalin jabisa.
 Dr. Khaliif Bile , madaxa hay’adda WHO ee Pakistan wuxuu ardayda ugu digay haybsooca iyo qabyaaladda asagoo ugu baaqay inaysan cidna kuso dhawaysan qabiil ee ay dadka Soomaaliyeed oo dhan sinnaansho u muujiyaan, waxuu xusay in magaca “Qalin jabin” ee Soomaalidu isticmaasho oo muujinaya in waxbarashadii la dhammeeyay inuu yahay mid khalad ku jiro, wuxuu sheegay inaan waxbarasho la dhammayn “ Hadda ayaa dagaalku idiin bilowday” ayuu yiri Dr. Bile.
 Ururka waddaniga Soomaaliyeed ayaa xafladdan qaban qaabadeeda soo waday tan iyo bishii lasoo dhaafay, waxaana ay tani dhaxalsiisay inay  hirgaliyaan mid kamid ah xafladihii ugu ballaarnaa ee arday qalin jabisa oo Soomaaliyeed oo tiro 35 gaaraya ay hal mar isugu yimaadaan
 Xafladdan ayaa xambaarsanayd macne  kale oo ah waddaniyad .Waxaa xafladda laga soo jeediyay suugaan waddani ah iyo majaajilooyin dhammaantood ku qotoma xaaladda dalka ka jirta ….
 Riwaayaddii lagu soo bandhigay xafladda qalin jabinta waxay ahayd mid xambaarsan waddaniyad qiiro leh oo qaar kamid ah dadkii kasoo qayb galay xafladda indhohooda ilmo soo joojisay. Waxaa la qaaday heeso iyo gabayo waddani , waxaa ugu mudnaa gabaygii  Abwaan Jaamac Kadiye ee ka hadlayay Midnimada Soomaalida.
 Jawigii xalay ee xaflada wuxuu ahaa mid runtii waddaniyad ay haraysay , tallaabadii la qaadaba waxay ku xiriirsanayd waddaniyadda walow magaca xafladdu uu ahaa qalin jabin
Jawigu wuxuu ahaa mid aad u daggan, aadna u qurxoon, waxaa goobta ka dhex muuqday hooyooyin Soomaaliyeed oo caruurtoodii wata, taasi oo madasha ka dhigtay guri Soomaaliyeed…
 Ururada kale ee Soomaalidu leeyihiin ee ay dhisteen ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa hadallo halkaasi kasoo jeediyay.


 Dareenka qof walba oo hadla wuxuu ku qotonsanaa baahida loo qabo in dalkeenna israac iyo nabad ka dhalato, ayadoo la garwaaqsaday calankii Soomaaliya inuu maanta dhulka yaallo.
 Dhinaca suugaanta madadaalada ayaan meesha ka marnayn. Koox ka koobnayd arday oo lagu magacaabo Miizaan Band ayaa soo bandhigtay heeso iyo majaajilo dadku ay la dheceen.


Sida uu iisheegay madaxa qaban qaabada xafladda ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee ururka waddaniga Soomaaliyeed C/naasir Sheekh Maxamed “Shubka” waxaa xafladda ay ku casumeen 250 , asagoo intaasi raaciyay in tiro intii loogu talo galay kabadan ay kasoo qayb galeen , ururkuna uu irdaha u furay dhammaan Soomaalida Karachi . Waxa kaloo C/naasir uu mahad ballaaran u jeediyay xubnaha sare ee ururka ee gacanta wayn ee maaliyadeed ka gaystay xafladda iyo xubnaha kusugan Pakistan oo ayana qaban qaabada xafladda qayb libaax leh ka qaatay, waxuu sidoo kale u mahad celiyay mutadawiciintii gacanta ka gaysatay qaban qaabada xafladdan.


Qaybaha ugu danbeeyay ee xafladda ayaa ururka waddaniga Soomaaliyeed shahaado sharaf ku guddoonsiiyay ardaydii ka qalin jabisay jaamacadaha Pakistan oo gabdho iyo wiilalba isugu jiray
Xafladdan waxay kamid noqotay xafladihii ugu ballaarnaa ee sidan oo kale ay isugu yimaadaan tiro intaasi le’eg oo  ah Soomaalida ku dhaqan Pakistan.
 


Abdulkadir Abdullahi Osman iyo Abdulkadir Suleiman
Madaxyada Warfafinta iyo Qorshaynta Ururka Waddaniga Somaliyeed.

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA