Qurbo waa Qaran dumis.

Qurbo waa Qaran dumis. waxaa suuragal ah in la is waydiyo side buu Qurbaha Qaran u dumiyaa? Qormadaan gaaban waxaan ku soo gudbin doonaa xog ku salaysan xaqiiqo iyo cadaymo aniga ku arkay Qurbaha. Waa wax marka aad aragto ama aad maqasho iska fududaysato balse marka aad u dhuunduleesho kuu muuqanayso in ay yeelan doonaan raad xun oo aafeeya jiilal cusub oo wali aan dhalan.

Marka hore aan iswaydino waaa maxay Qaran? Dabcan qaran waa wadan leh astaan u gaar ah kana duwan wadamada kale ee Aduunka; Astaantaas waa mida ka dhigta wadan Hibil. Ummad hal qaran ah sidoo kale waxay wadaagaan astaamo iyaga u gaar ah; sida Dabeecad, Dulqaad, Anshaxa, Diin iyo Dhaqan.

Hadaba marka aad joogto dhulkaaga hooyo qodobadaas aan kor ku soo xusay kuu muuqan maayaaan balse. marka aad dibadda uga soo baxado wadankaaga, waxaa hubaal ah in aad wajahayso ama aad arkayso waxa dhab ahaan uu yahay Qaran. Waxaa sidoo kale la kulmaysaa dabeecado kaa fejiciya, kuwo amakaaga kugu rida, kuwo kaa naxiya, kuwo waayo-aragnimo kuu soo jiida, kuwo …kuwo…. Tiro ma leh.

Qurbaha waxaan ku arkay isnacayb Somalida dhexdeeda, iska warqab la’an, Shaki badan iyo Qabyaalad. 

Waxayaalaha naxdinta leh waxaa ka mid ah Wiil dhigta Jaamacad oo 4-Maalmood ku jiray gurigiisa isagoo mayd ah oo qadartii Alle qabsatay. Markii dariska u adkaysan waayay urka guriga una dacwooday Police-ka lagu arkay wiil goor hore dhintay isagoo xiran dharkiisa ka dibna soo ogaysiyay Jaamacadii uu dhiganayay sidaana ay ku ogaatay Soomaalida. Nasiib wanaag waa loo wada gurmaday oo si wada jir ah ayaa loo aasay.

Soomalida dabeecadaha u gaarka ah waxa ka mid ah in Gabdhahooda ay yihiin kuwo Xishood badan, Asluub badan, hadal yar kana xishooda xitaa mararka qaar in ay salaamaan ragooda qaraabada yihiin. Balse maxaa lugula kulmay Qurbaha gaaar ahaan Gabdhaha Soomaaliyeed?

Gabadhii xishoodka badnayd waxay isku bedeshay mid dharkii xitaa tuurta iyadoo la isticmaalayo kalamooyin cusub sida: Naa hee dheh Diracaan iga baandheey! Tii asluubta badnayd waxay isku bedeshay mid waji Gabaxnimo kula agmarta, tii hadalka yaraydna waxay isku bedeshay mid laga caa’udi bilaysto. Intaa waxaa sii dheer wax walba waxaa laga dhigtay Caado iyadoo tixgilin la siinaynin Diinta iyo Dhaqanka Suuban. Jawaabna waxay kaaga dhigayaan “waa iska caadi Aboowe” cid xoog igu leh ma jirto. Meeshaan qurbo aa la yiraahaa! iyo hadalo la mid ah! 

Waa run xoog in la isku maquuniyo xaqiiqdii maba jirto lakis in Diinta Islaamka iyo dhaqankii suubanaa laga suulo ma ahan!.

Gabdhaha Soomaalida waxaa aad ugu yaxyixi jireen in Guri ay joogaan wax laga waayo. Sida; Dahab, Lacag, Qalin, Barfuun, Dhar iyo wixii kaloo la halmaala. Balse mantay sharf iyo magaca waxay ka dhigteen sidii wax la isu daba marin laha la isuguna hor keeni lahaa labo gabdhood oo saaxibo ah. Waxaad maqlaysaa Hiblaayo Ilbax ma ahan waayo waa daacad; Hiblaayana waa Ilbaxad oo dhagarta iyo isdaba mariska ayay ku dheeraysaa ee u tag hiblaayadaas. Waxay ku raacinayaan Sxb meesha aad joogto sida looga dhaqmo ayaa loo dhaqmaa. Bal fiiri meesha sharafta gashay iyo sida Qurba jooogta Soomaaliyeed isu rogtay!!

Hadii ummada aad la joogto ay yihiin wada khaa’imiin ma khaa’in baad noqonaysaa? 

Wiilbaa wuxuu igu yiri isla markii aan ku soo degay Airoport-ka wadanka aan joogo, Saaxib meeshan Qurbo ayaa la yirahdaa Qabiil baa lugu bartaa ee Saxiib Qabiilkaaga raadso.! Waa wiil aan saaxibo iyo deris ku ahaan jirnay Dhulkii hooyo nafta keliya inoo dhaxaysay. Jawaabtii shalay iyo tan manta waa kaaf iyo kala dheeri!

Dabeecadahaan oo kale waxay u keenayaan wadanka in laga waayo Muwaadiniin wadaniyiin ah, Daacad u ah Dalkooda, Anashax iyo usluub leh,Sidaana lugu waayo Qaranimo Soomaaliyeed!.

In la soo Haajiro oo la barto Cilmi, Dhaqamo kale, Afaf kale waxay maxsuul u tahay in wadankaaga hormar u soo jiido. Wadamo badan oo sidaa ku hormaray ayaa jira oo manta aan la tiigsan Karin, balse waxaa naxdin ah marka qofkii soo haajiray in uu waxbarto iska daayee ay ka lunto Asluubtii uu kala yimid dhulkii Hooyo!. Waa arin mugeeda leh.

Imaanshaha Qurbaha waa in ay kuu kordhiso waxa faa’ido u ah Adiga, Dalkaaga, Ummadaada ee ma ahan in loo yimaado sidii Qarankii loo dumin lahaa. Qurbo joognimada aan u adeegsano Qaran Dhisid; kana fogaano waxyaalaha Qaran Dumisnimada keena.



A. Suleiman

Comments

Popular posts from this blog

MAXAAD KA TAQAANAA SYL IYO AAS AASKEEDA QOFKA LAHAA"C/QADIR SHEEKH SAQAAWUDIIN

Xasuusta Maamulkii RRA