JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA Heshiis Awood Qaybsi ah oo lagu dhaameystirayo mamulka ku meel Gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Taariikh: 15 December, 2014 Goobta : Madaxtooyada Maamul Goboleedka 6da, Baydhabo Ayadoo laga ambaqaadayo heshiiskii lagu soo gaaarey Magaalada Muqdishu ee Ku taariikheysnaa 29kii November, 2014, heshiis kaas oo ku saabsanaa xal u helida arrimaha koonfur-galbeed Soomaaliya oo ayna gar wadeen ka yihiin Xildhibaanada qaranka, kaas oo u dhexeeyey Xildhibaanada Qaranka iyo Madaxweyne Shariif Xassan Sheikh Adan. Wadatashiyo iyo wadaxaajood u dhexeeyey dhamaan dhinacyada arrinta quseyso oo ay ku jireen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib, Xildhimaanadii Qaranka u xilsaarnaa dib u heshiisiinta iyo dhameystirka maamulka KGS, waxay yimaadeen Magaalada Baydhabo, December 11, 2014. Wada xaajood siyaasadeed oo socdey muddo Saddx Cisho ah oo u dhexeeyey Xildhibaanada Qaranka iyo Odayaasha Dhaqanka Koonfur Gaalbeed 6, ayaa w