HAB-DHAQANKA SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN XILLIYADA BAAHIDA DHABTA AH JIRTO.
“ Kursiga Shariif Xasan ku fadhiyo hadii aanu ka turjumaynin u adeegada Bulshada Digil Mirifle muxuu micnihiisu noqon karaa” Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya , Sharif Xasan Sheekh Adan, oo lagu tiriyo siyaasiga ugu qanisan Shakhsiyaadka hadda ku jira Xukuumada Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya; islamarkaasna ah nin ku dheeraya kala rogrogga siyaasada ayaa xilliyada ay dhibtu jirto gabi ahaanba la arak isagoo intaasi u sii dheertahay ka fogaasha masrixada siyaasada si ka duwan xilliyada khilaafku jiro. Xilligaan xaadirka ah oo dalku la ciirciiraayo Abaaro arxan daran oo aad u saameeyay Gobollada Koonfureed ee dalka ayaa Shariif Xasan Sheekh Adan wali aanu ka hadlin abaartaan saamaysay nolosha Soomaali tiro badan. Dhibaatada abaarta inteeda ugu xoogan ayaa ka dhacday Magaalooyinka uu Shariif Xasan dhalasho ahaan ka soo jeedo, sida Sarmaan oo ku taala Gobolka Bakool. Kursiga Gudoomiyaha ayaa ah mid qayb ahaan ku soo aada Qowmiyadda Digil iyo Mirifle marka la tixgiliyo n...