Maxay noqon kartaa kabixitaanka Shabaab ay ka baxeen Magaalada Mogadisho.
Dad badan ayaa ay fajiciso iyo amakaag ku noqotay ka dib saaka markii ay ku waabariistaan iyadoo Shabaabkii ay faarujiyeen Gobihii ay ka joogeen Magaalada Mogadisho. Inkastoo aan la ogayn sababta rasmiga ah ee keentay in Shabaab ka baxaan Magaalada Xamar ayaa hadana waxaa la saadalinayaa in ay jiraan dhowr arimood oo u saamixi waayay hogaanka Shabaab in ay sii joogaan Magaalada. Muddo labo sano iyo bar ayaa laga jogaa xiligii Magaalada Mogadisho ay inteeda badan gacanta ku wada dhigeen, waxaanse la ogayn in faarujintaan ay tahay kama dambays ama taatiko Military sid uu sheegayba Afhayeenka Shabaabka ee Cali dheere. Balse dad badan waxaa ay isla dhax marayaan in hogaanka Shabaabka aan sidi hore ahayn iyadoo soo wajahday culays dhinacayo badan uga imaanaaya. Mida kowaad waxaa xaqiiqo ah in taageeridii dhinca Moral-ka ay ka heli jireen Urur waynaha ALqacida ay meesha ka baxday ka dib Dilkii Osama ee May 2-deeda lugu dilay Magaalo Abottobad ee Dalkaas Pakistan. Arintan ayaa ku riday Shab...