FARMAAJO OO WALAAC SIYAASADEED LA SOO DARISTAY!
Ra’isul wasaaraha DFK mudane Cabdullahi Farmaajo ayaa si toos ah ugu soo biiray khilaafka labada mas’uul ee Shariif Xasan Sheekh Adan iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Farmaajo oo markiisi hore uu khilaafka uga jiray si waafaqsan shurucda dowladaha ayaa hadda si shakhsiyan ah ugu lugta yeeshay iyadoo arintaan si toos ah looga dheexan karo hadalkii maanta uu saxaafadda ugu sheegay Magaalada Mogadisho. Ra’isul wasaare Farmaajo ayaa markiisii hore ku dadaali jiray in uusan ka weecan nidaamka diplomaasiyadeed ee lagu maamulo dowladaha marka ay is qabtaan qaybaha kala duwan ee dowladda sida Fulinta, Sharci dajinta iyo Garsoorka. Ka dib markii labada Gole ee Fulinta iyo Sharci dajinta ay isku qabteen arimo ku qotoma xeer hoosaadka Barlamaanka ayaa farmaajo in muddo ah wuxuu waday olole ah in loo xaliyo is afgaran-waaga si waafaqsan sharciyada guud ee dowladuhu ku dhaqmaan taas oo uu u arkaayay in ay munaasab tahay lana baro Somalida, maadama ay xukumadiisu ku faanto in ay xukumadihi hore a...