AQOONYAHANNAD KOONFUR GALBEED SOMALIYA OO RADIYAY MAAMULKA PROF. GAANDI
Waxaa markale nasiib darro ah in maantay ay dhacdo qof Proff. Sheeganaayo in uu qaato magac horay u jiray oo dad gaar ah ay lahayeen. Magacaan “ AZANIA” waxaa baaritaan ku sameeyay soona jeediyay Prof.Mohamed Haji Mukhtar isagaoo waliba ku shaaciyay dhamaan warbaahinta Soomaliyeed islamarkaasna ku soo bandhigay khudbadooyin dhowr ah. Qof alaale qofkii danaynaya arinkaan wuxuu ka daalac karaa linkagaan: http://www.baidoanews.com/view.php?id=5968 . Aqoonyahannada DM ee kunool dunida dacladeeda gaar ahaan kuwooda Pakistan waxay si xoog leh u dhalacaynayaan talaabadii laab lakac ahayd ee uu ku dhaqaaqay Prof. Gaandi 31-kii Marso 2011 taasoo ahayd in uu sheegto meel uusan raad iyo taariikh midna kulahayn. Sida taariikhda ku cad Gobolladaan wixii ka horeeyay 1974 ma jirin qof ka mid ah qofka hadda samaysanaya maamul dhalanteed ah, waxaana xaqiiq ah in Bulshadaas ay ku yimaadeen Gobolladan olalihii dib-udajinta ee Dowladii Siyaad Barre mana ahayn olole lo...