Posts

Showing posts from June, 2011

FARMAAJO OO WALAAC SIYAASADEED LA SOO DARISTAY!

Ra’isul wasaaraha DFK mudane Cabdullahi Farmaajo ayaa si toos ah ugu soo biiray khilaafka labada mas’uul ee Shariif Xasan Sheekh Adan iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Farmaajo oo markiisi hore uu khilaafka uga jiray si waafaqsan shurucda dowladaha ayaa hadda si shakhsiyan ah ugu lugta yeeshay iyadoo arintaan si toos ah looga dheexan karo hadalkii maanta uu saxaafadda ugu sheegay Magaalada Mogadisho. Ra’isul wasaare Farmaajo ayaa markiisii hore ku dadaali jiray in uusan ka weecan nidaamka diplomaasiyadeed ee lagu maamulo dowladaha marka ay is qabtaan qaybaha kala duwan ee dowladda sida Fulinta, Sharci dajinta iyo Garsoorka. Ka dib markii labada Gole ee Fulinta iyo Sharci dajinta ay isku qabteen arimo ku qotoma xeer hoosaadka Barlamaanka ayaa farmaajo in muddo ah wuxuu waday olole ah in loo xaliyo is afgaran-waaga si waafaqsan sharciyada guud ee dowladuhu ku dhaqmaan taas oo uu u arkaayay in ay munaasab tahay lana baro Somalida, maadama ay xukumadiisu ku faanto in ay xukumadihi hore a

Xasuusta Maamulkii RRA

Ka dib burburkii dowladii Militariga dalka ka talin jirtay 1969 ilaa 1991, ayaa wadanka waxaa ku habsaday fowdo iyo nidaam la’aan aad u baahsan oo saameeyay dhamaan qaybaha kala duwan ee nolosha Somaliyeed. Waxaa sido kale dowladaas ka dib hanaqaaday kooxo iyo ururo sheegta in ay badbaadinayaan dalka kana shaqaynayaan arimaha bulsho waynta Soomaaliyeed balse aan guulo badan soo hooyin iyagoo ku dhamaada   fashil iyo burbur dhexdooda ku yimaada. Ururada dalka ka aasaasmay ayaa waxaa ka mid ahaa Ururkii ugu caansanaa ee mudooyinkaan oo ah ururka RRA.    RRA oo Micnaheedo yahay afka qalaad (Rahanwien Resistance Army) Ururka iska caabinta Raxawayn, ayaa ah Urur ka soo baxay Koonfur Galbeed Soomaliya. RRA waxaa lagu Aasaasay shir lagu qabtay 13-kii Octobar 1995, Jhaffay oo ah meel kaga beegan Magaalada Baydhabo dhinaca Galbed. Col. Xasan Maxamed Nur “Shaatigaduudna” loo doortey Godoomiye. Sababta loo aasasay waxay ahayd in uu tababaro Military u fidiyo dhalinta Gobolladaas islamarkaasna